QISO: Wiil Soomaali Ah Oo Afduub Lagu Eedeeyey, Kaas Oo Xeelad Cajiib Ah Dalka Canada Lagu Geeyay (Qaybta 5aad):
Qaybta 5aad: Halkan kala soco qaybtii 4aad. Maxkamadda: Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwaddan oo uu garsoore ka ahaa Robert Smith, waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa aanu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi. Isdifaacii Cali iyo dhammaan doodihii uu isku dayey in uu kiiska iskaga jebiy, garsooruhu waxa uu ka soo qaatay been-abuur badheedh ah oo aan mudnayn in ay maxkamaddu tixgelin siiso. Isaga oo ka hadlaya sababta uu sidaas u yeelayna, waxa uu g...