Posts

Showing posts from 2019

Waa Maxay Forex, Qaabkee Looga Shaqaystaa, Ma Xalaalbaa Mise Waa Xaaraan?

Image
Waa maxay Forex ama  Foreign Exchange ? Foreign Exchange ama Forex waa Suuq Sarrif online ah, kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku bedeshid lacag kale adiga oo adeegsanaya Internet-ka. Suuq Sarifka online-ka ah waa xirfad caalami ah oo ay maalin walba Bangiyada iyo maalgashadayaasha shirkadaha leh iyo kuwa shacabka ahiba ay isku bedelaan Lacagaha kala duwan ee ay dalalku aduunku leeyihiin. Suuq sarifkan online-ka ahi waa suuqa ugu wayn aduunka, kaas oo maalin walba lagu kala wareejiyo lacag ku dhaw 6 Tirilyan oo Doolar. Sidaa darteed suuqaani waa qayb muhiim ah oo kamid ah dhaqaalaha dalalka lacagahoodu qiimaha ugu sareeya joogo, waxaana maalin kasta socda dagaal dhaqaale oo u dhexeeya dalalkaas, si uu dal walba u ilaashado in qiimaha lacagtooda aysan hoos u dhicin, taasi oo keenaysa in ay si joogto ah ugu lug lahaadaan suuq sarifka online-ka ah. Suuqan ayaa soo jiray boqolaal sano, isaga oo soo maray marxalado kala duwan oo ay midba heer tahay ilaa iyo ta hada uu mar...

Waa Maxay (Hepatitis B) Cagaarshowga B, Maxaase Keena?

Image
Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena? Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus). Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga. Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto dheer.  Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka. Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B? Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya  cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta i...