Waa Maxay (Hepatitis B) Cagaarshowga B, Maxaase Keena?
Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena? Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus). Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga. Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto dheer. Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka. Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B? Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta i...