Posts

Iyada Darteed Baan Dhalmada Iskaga Xidhay Laakiinse....

Image
Anigoo qurbaha ku nool mudo ayaa waxaa is baranay gabar soomaliyeed, gabadhii waxaa isku af garanay oo ku heshiinay in aan is guursano, AlhamduLiLAAH Alle waa isku keen calfay, waana is guursanay. Gabadhii mudo markaan is qabnay, ayey uur qaatay oo xaamilo ayey noqotay, gabadhii aad bey ugu xanuunsatay uurki, dhibaato badan baa uurkii kasoo gaartay, dhaqtar baa u geeyey, waxey ahayd afar bilood, daqtarki markuu baaray ayuu yirahday, gabadha guriga kuma celineysaan, isbitaalka ayey joogeysaa inta ay ka dhaleyso(umuleyso), si aan u badbaadino ilmaha yar ee caloosha ku jiro. Waa ka aqbalay goaanki dhaqtarka, sidi bey xaaskeyga isbitaalka u joogtay, waxaa ka shaqeynayey labo shaqo, waxey danta igu qasabtay in aan hal shaqo ka shaqeeyo si aan xaaskeyga ula joogo oo u caawiyo, magaaladaan daganahay soomali badan ma joogto, reerkeyga ama gabadha reerkeedana ma joogaan, oo wax ciidan ah oo gabadha intaan shaqada ku maqanahay la sii joogo ma haysto, waxey danta igu qasabtay in aan shaqaaleysiiy...

Taariikhda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Image
Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole. Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka. Farmaajo waa aabe dhalay afar caruur ah. Wuxuu shahaadada koobaad ee B.A-ga iyo shahaadada labaad ee M.A-ga ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-kii iyo 2000. Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha. Agaasime guud ayuu ka soo noqday hay'ad u doodda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii. Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii. Bishii Octobar 14-keedii sanadki 2010-kii Maxamed Cabdulah Farmaajo waxaa loo magacaabay raiisal wasaaraha Soomaaliya, Isaga oo badelay Cu...

Waa Maxay Forex, Qaabkee Looga Shaqaystaa, Ma Xalaalbaa Mise Waa Xaaraan?

Image
Waa maxay Forex ama  Foreign Exchange ? Foreign Exchange ama Forex waa Suuq Sarrif online ah, kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku bedeshid lacag kale adiga oo adeegsanaya Internet-ka. Suuq Sarifka online-ka ah waa xirfad caalami ah oo ay maalin walba Bangiyada iyo maalgashadayaasha shirkadaha leh iyo kuwa shacabka ahiba ay isku bedelaan Lacagaha kala duwan ee ay dalalku aduunku leeyihiin. Suuq sarifkan online-ka ahi waa suuqa ugu wayn aduunka, kaas oo maalin walba lagu kala wareejiyo lacag ku dhaw 6 Tirilyan oo Doolar. Sidaa darteed suuqaani waa qayb muhiim ah oo kamid ah dhaqaalaha dalalka lacagahoodu qiimaha ugu sareeya joogo, waxaana maalin kasta socda dagaal dhaqaale oo u dhexeeya dalalkaas, si uu dal walba u ilaashado in qiimaha lacagtooda aysan hoos u dhicin, taasi oo keenaysa in ay si joogto ah ugu lug lahaadaan suuq sarifka online-ka ah. Suuqan ayaa soo jiray boqolaal sano, isaga oo soo maray marxalado kala duwan oo ay midba heer tahay ilaa iyo ta hada uu mar...

Waa Maxay (Hepatitis B) Cagaarshowga B, Maxaase Keena?

Image
Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena? Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus). Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga. Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto dheer.  Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka. Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B? Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya  cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta i...

KAFTAN: SABABTA UU NINKU MARKA UU GABADH AMMAANAYO UGU TILMAAMO DAYAXA EE AANU QORRAX UGU SHEEGIN:

Image
Nin ka mid ah dadka hadalka dhadhansada, ee u fiirsada dhinacyadiisa taban iyo togan, iyo weliba macnayaasha mararka qaarkood uu ereygu bixin karo iyada oo aan loola jeedin, ayaa mar la weydiiyey sababta uu ninku inta badan quruxda iyo ammaanta gabadha uu jecelyahay, uu ugu soo tusaale qaato dayaxa iyada oo aynu ognahay in qorraxdu ka ilays iyo qurux badan tahay? Ninkan oo sida muuqata aanu kaftan ka madhnayn ayaa isbarbar dhig ku samaynaya dayaxa iyo qorraxda balse dhanka taban ka eegaya sababta ay raggu dayaxa ku doorteen. Waxa aanu ku doodayaa in ragga xitaa haddii uu jacaylhayo haddana ay ku badan tahay munaafaqnimada dhinaca dumarka iyo in aanay si niyad ah u ammaanin, sababtaas awgeedna ay dayaxa ku doortaan, waxaanu isu barbar dhigay sidan: 1. DAYAXU WAA KHAAYIN IYO BEENAALE: Ilays aanu lahayn oo ka qorraxda ah ayaa uu soo qaataa, markaasuu sida muraayadda innagu soo celiyaa, isaga oo iska dhigaya in uu ilayskiisii yahay.. halka qorraxdu ay daacadnimada ka gaadhay inta ay...

Tallow Maxay Ugu Diideen?!!!

Image
W/Q: Daa'uud Galaydh Sh. Mukhtaar Roobow (Abuu Maansuur) shalay ayuu ka baxay magaalada Muqdisho, iyadoo Dawlada iyo Caalamkuba ka war hayaan inuu isu soo taagi doono tartanka Madaxwaynimo ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana baahiyay Musharaxnimadiisa Warbaahinta qaranka sida SNTV. Sidoo kale, dhawr kii bilood ee udambeeyay waxaa socday dhaqdhaqaaqa iyo ololaha Musharaxnimadiisa, isagoo kulamo la qaatay Madaxdda sar sare ee xukuumada iyo gudoomiyaha Baarlamaanka. Tallow maxay markaa uga hoor istaagi waayeen?!!! Dawldda Federaalka ah ayaa hada ka hor sheegtay in Abuu Maansuur uusan wax dambi ah lahayn, sidoo kale waxay sheegeen in laga qaaday dhamaan xayiraadihii iyo cunaqabatayntii saarnayd. Dastuurka dalka iyo kan Koofur Galbeedna waxaa ku qoran qofkii buuxiya shuruudaha muwaaddinka laga rabo, oo aan lahayn  wax dambi maxkamad xukuntay, wuu is sharxi karaa, iyadoo aysan ku qornayn wax heshiis caalam ah. Tallow hadaa maxay ugu diideen?!!! Sida ku cad warqad maanta ka...

QISO: Wiil Soomaali Ah Oo Afduub Lagu Eedeeyey, Kaas Oo Xeelad Cajiib Ah Dalka Canada Lagu Geeyay (Qaybta 5aad):

Image
Qaybta 5aad:  Halkan kala soco qaybtii 4aad. Maxkamadda: Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwaddan oo uu garsoore ka ahaa Robert Smith, waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa aanu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi. Isdifaacii Cali iyo dhammaan doodihii uu isku dayey in uu kiiska iskaga jebiy, garsooruhu waxa uu ka soo qaatay been-abuur badheedh ah oo aan mudnayn in ay maxkamaddu tixgelin siiso. Isaga oo ka hadlaya sababta uu sidaas u yeelayna, waxa uu g...