Tallow Maxay Ugu Diideen?!!!
W/Q: Daa'uud Galaydh
Sh. Mukhtaar Roobow (Abuu Maansuur) shalay ayuu ka baxay magaalada Muqdisho, iyadoo Dawlada iyo Caalamkuba ka war hayaan inuu isu soo taagi doono tartanka Madaxwaynimo ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana baahiyay Musharaxnimadiisa Warbaahinta qaranka sida SNTV.
Sidoo kale, dhawr kii bilood ee udambeeyay waxaa socday dhaqdhaqaaqa iyo ololaha Musharaxnimadiisa, isagoo kulamo la qaatay Madaxdda sar sare ee xukuumada iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
Tallow maxay markaa uga hoor istaagi waayeen?!!!
Dawldda Federaalka ah ayaa hada ka hor sheegtay in Abuu Maansuur uusan wax dambi ah lahayn, sidoo kale waxay sheegeen in laga qaaday dhamaan xayiraadihii iyo cunaqabatayntii saarnayd. Dastuurka dalka iyo kan Koofur Galbeedna waxaa ku qoran qofkii buuxiya shuruudaha muwaaddinka laga rabo, oo aan lahayn wax dambi maxkamad xukuntay, wuu is sharxi karaa, iyadoo aysan ku qornayn wax heshiis caalam ah.
Tallow hadaa maxay ugu diideen?!!!
Sida ku cad warqad maanta ka soo baxday Wasaarada Amniga ee dalka, wali waxaa jira cunaqabtayno iyo xayiraado beesha caalamku saartay Abuu Maansuur oo ay shuruudo ku xidhnaayeen. Sidaa darteed, iyadoo Dawaladda Federaalka ah tixgalinaysa hishiisyada ay la gashay beesha caalamka ee ku aadan la dagaalanka Argagixisada, waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abuu Maansuur) buuxin, fulina dhamaan shuruudihii lagaga qaadi lahaa cunaqabtayntii iyo xayiraadihii ay saareen Beesha Caalamku, walina ay sideedii u saaran yihiin. Sidaa awgeedna, uusan uu tartami karin jagada Madaxwaynanimo ee maamulka Koofur Galbeed.
Tallow dalkaan ma dal madax bannaan baa oo Dastuur leh, mise waa maamul beesha caalamka hoos taga?!!!
W/Q: Daa'uud Galaydh
Email: Daauudgalaydh@gmail.com
Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh
Twitter: Daa'uud Galaydh

Comments
Post a Comment