Posts

Showing posts from April, 2018

Ciyaartoyda Haysta Diinta Islaamka Ee Ka Soo Jeeda Qaaradan Africa Oo Wacdaro Ka Dhigay Horyaalka Premier League-ga, Sadexdii Xilli Ciyaareed Ee Udambaysay:

Image
W/Q: Daa'uud Galaydh Sadexdii xilli ciyaareed ee udambeesay Laacibka Sanadka ee horyaalka Premier League-ga ama PFA Player Of The Year, waxaa ku guulaysanayay xidigo asal ahaan ka soo jeeda qaaradan Africa, haystana Diinta Islaamka. Xilli ciyaareedkii 2015/16 waxaa ku guulaystay laacibka kooxda Leicester City iyo xulka qaranka Algeria ee Riyad Mahrez, kaas oo haysta Diinta Islaamka. Sidoo kale, xilli ciyaareedkii 2016/17 waxaa Abaalmarintaan hantay xidiga Asal ahaan ka soo jeeda dalka Mali ee qaaradan Africa haystana Diinta Islaamka, balse qaatay dhalashada wadanka France ee N'golo Kante. Si lamid ah, xilli ciyaareedkan 2017/18 waxaa Biladaan la gudoonsiiyay laacibka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Faraaciinta Masar ee Mohamed Salah, kaas oo isna haysta Diinteena Suuban ee Islaamka. W/Q: Daa'uud Galaydh Email:  Daauudgalaydh@gmail.com Facebook:  Galaydh Da'ud Galaydh Twitter:  Daa'uud Galaydh

Sadexda Xaaladood Ee Keena Biyo Baxa Degdegga Ah Iyo Afar Qaab Oo Aad Ku Dawayn Karto Biyo Baxa Degdegga Ah:

Image
Saddex xaaladood baa keena "biyabaxa degdegga ah' (afka caafimaadka waxa loo yaqaannaa 'premature ejaculation'). Waa xaalad nafsi ah ta kowaad. Tusaale ahaan: haddii uu ninku sameeyo wasmo asaga oo dareemaya daal, welwel, xanaaq, ama wax uun ka si' yihiin, waxa uu la nool yahay oo shiddo badan ku haysa 'xasilloonidarro nafsiyadeed.' Waxa uu, aalaa, ku biyabaxaa daqiiqad ilaa labo daqiiqo. Kan dawadiisu aad baa ay u fudud dahay--oo keli ah waa in uu hubiyo jeerka uu samaynayo galmo in uu niyad ahaan aad u xasillan yahay, jidh ahaan aad u firfircoon yahay, oo rabitaan ahaan aad u xooggan yahay. Xaaladda labaad waa mid farsamaxumo ah (ama dheh: waa mid waaya'aragnimo la'aan ah).Tusaale ahaan: waa shakhsi aan weligii ba samayn wasmo oo bahashu ay u cusub tahay aad na u xiisaynaya, dhanka kale na aan wax ba ka aqoon fanniyada istiinka iyo wasmada, aad na u doonaya in uu ka war keeno mas'alada oo xaraaradda badan ee gubaysa iska jabiyo. Shakhsigaa ...