Ciyaartoyda Haysta Diinta Islaamka Ee Ka Soo Jeeda Qaaradan Africa Oo Wacdaro Ka Dhigay Horyaalka Premier League-ga, Sadexdii Xilli Ciyaareed Ee Udambaysay:

W/Q: Daa'uud Galaydh

Sadexdii xilli ciyaareed ee udambeesay Laacibka Sanadka ee horyaalka Premier League-ga ama PFA Player Of The Year, waxaa ku guulaysanayay xidigo asal ahaan ka soo jeeda qaaradan Africa, haystana Diinta Islaamka.

Xilli ciyaareedkii 2015/16 waxaa ku guulaystay laacibka kooxda Leicester City iyo xulka qaranka Algeria ee Riyad Mahrez, kaas oo haysta Diinta Islaamka.


Sidoo kale, xilli ciyaareedkii 2016/17 waxaa Abaalmarintaan hantay xidiga Asal ahaan ka soo jeeda dalka Mali ee qaaradan Africa haystana Diinta Islaamka, balse qaatay dhalashada wadanka France ee N'golo Kante.


Si lamid ah, xilli ciyaareedkan 2017/18 waxaa Biladaan la gudoonsiiyay laacibka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Faraaciinta Masar ee Mohamed Salah, kaas oo isna haysta Diinteena Suuban ee Islaamka.



W/Q: Daa'uud Galaydh

Email: Daauudgalaydh@gmail.com

Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh

Twitter: Daa'uud Galaydh

Comments

Popular posts from this blog

Taariikhda Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Mudane Aadan Cabdule Cismaan "Aadan Cade":

KAFTAN: SABABTA UU NINKU MARKA UU GABADH AMMAANAYO UGU TILMAAMO DAYAXA EE AANU QORRAX UGU SHEEGIN: