Posts

Showing posts from June, 2018

Dhawr Dhacdooyin Oo Suurtagal Ka Dhigikara In Xulka Qaranka Dalka England Uu Ku Guulaysto Koobka Aduunka Ee 2018-ka:

Image
Sanadkii 2010-kii, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka Spain, isagoo kula guulaystay kooxda Barcelona. Isla sandkaas World Cup-ka waxaa ku guulaysatay xulka qaranka dalka Spain. Markale sanadkii 2014-kii, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka Germany, isagoo kula guulaystay kooxda Bayran Munich. Isla sandkaas koobka Aduunka waxaa ku guulaystay xulka qaranka dalka Germany. Sanadkan 2018-kana, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka England, isagoo kula guulaysatay kooxdiisa Man City. Saa darteed ma laga yaabaa in xulka qaranka dalka England uu ku guulaysto Koobka Aduunka sanadkan? Sanadkii 1966-dii, kooxda Real Madrid ayaa ku guulaysatay tartanka Horyaalada Yurub, isla sanadkaas kooxda Burnley ee horyaalka Ingiriiska ayaa usoo baxday tartanka Europe League-ga, iyadoo kooxda Chelsea-na ku dhamaysatay kaalinta 5aad ee kala saraynta horyaalka England. Sanadkaas waa 1966-diiye waxaa koobka Aduunka ku guulaystay xulka qarank...

QISO: Wiil Soomaali Ah Oo Afduub Lagu Eedeeyey, Kaas Oo Xeelad Cajiib Ah Dalka Canada Lagu Geeyay (Qaybta 3aad):

Image
Qaybta 3aad:  Halkan kala soco qaybtii 2aad .  Kulankan oo laba saacadood socday, Intaas oo keliya Cali lagalama hadlin, balse sarkaalka booliiska dharcadda ah ee ‘Chris’ waxa kale oo uu kala sheekaystay suurtagalnimada in mustaqbalka ay galaan heshiisyo buugaag kale oo uu qoro Cali iyo weliba in filim dhukumanteri ah ay ka sameeyaan qisada afduubkii Amanda Lindhout. Markii wadaxajoodka mucdiisii dhammaatay, dhammaan qodobbadii heshiiskana la isla gartay, ayaa intii aanay Cali iyo Chris (Sarkaalkii dharcadda ahaa ee iska dhigayey masuulka shirkadda daabacista), saxeexin heshiiska. Chris waxa uu Cali u sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan iyo in ay daabacaan buuggan, laakiin warwarka ugu weyn ee tan iyo bilowgiiba ay shirkaddiisu qabtay uu yahay kaalinta uu Cali ku lahaa afduubkii labada warfidiyeen. Waxa uu sheegay in haddii warkaasi soo baxo, ay khatar ku tahay sumcadda shirkaddiisa. Chris waxa uu Cali ka dalbaday bal in uu si faahfaahsan ugu sharraxo kaalinta ru...

QISO: Wiil Soomaali Ah Oo Afduub Lagu Eedeeyey, Kaas Oo Xeelad Cajiib Ah Dalka Canada Lagu Geeyay (Qaybta 2aad):

Image
Qaybta 2aad:  Halkan Kala Soco Qaybtii 1aad . Bishii Saddexaad 21 keedii 2012: Sarkaalka booliiska ahaa waxa uu Cali u soo jeediyey fikir ah in heshiis ay kala saxeexdaan labadoodu; heshiiskaas oo ah wakaalasho uu Cali u ogolaanayo AK in uu wakiil uga noqdo buuggiisa, sii uu awood sharci ugu yeesho dhammaystirka heshiiska daabacadda buugga ee shirkadda la’ la gelayo. Bilihii xigay oo dhan, Cali Cumar Adeer waxa uu ka shaqaynayey dhammaystirka buuggiisa, isaga AK u diri jiray nuskhado muujinaya tusmada iyo hadba cutubyada uu dhammeeyo ee buugga uu qoraalkiisa waday ka mid ah. Ugu dambayntii AK waxa uu Cali u muujiyey in sheekadu gebogebo marayso, sidaa awgeed waxa uu u soo jeediyey in ay kulmaan oo uu Cali si rasmi ah AK ugu saxeexo heshiis wakiilasho oo labadooda u dhexeynaya. Waxa uu ka dhaadhiciyey in si uu wadaxaajoodka heshiiska daabicista u sii wado, suuqgeyntana uga masuul noqdo, ay qasab tahay in AK uu haysto dhukumanti caddaynaya in ninka buugga lihi uu wakiishay. Kul...

QISO: Wiil Soomaali Ah Oo Afduub Lagu Eedeeyey, Kaas Oo Xeelad Cajiib Ah Dalka Canada Lagu Geeyay (Qaybta 1aad):

Image
Qaybta 1aad : Cali Cumar Adeer waa wiil Soomaali ah oo duruufo dhaqaale oo adag ku soo koray. Mar keliya ayaa ay gashay raynrayn nolol bashbash iyo barwaaqo, oo ah tii uu abidkii ku riyoonayey. Waxa ay rajadu gashay markii shirkad reer Kanada ah oo buuggaagta daabacdaa ay ka ogolaatay in uu la galo heshiiska faafinta buug uu doonayey in uu qoro. Waxa uu filayey in uu buuggaas ka heli doono malaayiin lacag ah, oo uu dhiisha faqriga tuuro. Waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxayey qorsheyaal waaweyn oo uu la damacsanaa maamulidda lacagta uu filayo. Waxa kale oo uu rajo ka qabay in heshiiskani sabab u noqdo in uu magangelyo ka helo dalka Kanada, si uu uga dheeraado dalkiisa colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya. Qoyskiisana uu ka daadgureeyo faqriga ay la noolaayeen. Waxaas oo dhami waxa ay noqdeen dhalanteed, dharaaro kooban niyadda u dejiyey Cali, laakiin soo afgo’ay markii uu caga dhigay Kanada. Waa markii ay u caddaatay in heshiiskii buugga ee loo soo kaxeeyey saxeexiisa iyo noloshi...