Dhawr Dhacdooyin Oo Suurtagal Ka Dhigikara In Xulka Qaranka Dalka England Uu Ku Guulaysto Koobka Aduunka Ee 2018-ka:

Sanadkii 2010-kii, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka Spain, isagoo kula guulaystay kooxda Barcelona. Isla sandkaas World Cup-ka waxaa ku guulaysatay xulka qaranka dalka Spain.

Markale sanadkii 2014-kii, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka Germany, isagoo kula guulaystay kooxda Bayran Munich. Isla sandkaas koobka Aduunka waxaa ku guulaystay xulka qaranka dalka Germany.

Sanadkan 2018-kana, tababare Pep Guardiola ayaa ku guulaystay horyaalka dalka England, isagoo kula guulaysatay kooxdiisa Man City. Saa darteed ma laga yaabaa in xulka qaranka dalka England uu ku guulaysto Koobka Aduunka sanadkan?

Sanadkii 1966-dii, kooxda Real Madrid ayaa ku guulaysatay tartanka Horyaalada Yurub, isla sanadkaas kooxda Burnley ee horyaalka Ingiriiska ayaa usoo baxday tartanka Europe League-ga, iyadoo kooxda Chelsea-na ku dhamaysatay kaalinta 5aad ee kala saraynta horyaalka England. Sanadkaas waa 1966-diiye waxaa koobka Aduunka ku guulaystay xulka qaranka dalka England.

Sanadkan 2018-kana, kooxda Real Madrid ayaa ku guulaysatay tartanka Horyaalada Yurub, isla sanadkana kooxda Burnley ee horyaalka Ingiriiska ayaa usoo baxday tartanka Europe League-ga, iyadoo kooxda Chelsea-na ku dhamaysatay kaalinta 5aad ee kala saraynta horyaalka England. Hadaba ma laga yaabaa inay taariikhdu dib isu saxdo oo xulka qaranka England uu ku guulaysto Koobka Aduunka sanadkan.

W/Q: Daa'uud Galaydh

Email: Daauudgalaydh@gmail.com

Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh

Twitter: Daa'uud Galaydh

Comments

Popular posts from this blog

Taariikhda Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Mudane Aadan Cabdule Cismaan "Aadan Cade":

KAFTAN: SABABTA UU NINKU MARKA UU GABADH AMMAANAYO UGU TILMAAMO DAYAXA EE AANU QORRAX UGU SHEEGIN: