Taariikhda Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Mudane Aadan Cabdule Cismaan "Aadan Cade":
W/Q: Daa'uud Galaydh
Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya ahaa intii u dhaxeysay 1960-1967-kii.
Aadan Cadde waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne sanadkii 1908-dii, Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose iyo waxbarasho heer saraba ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka bartay maamulka iyo dowladnimada. Wuxuu sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944-tii. Sanadkii 1946-dii, wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbiga ee degmada Beledweyne.
Wuxuu sanadkii 1951-dii noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953-dii. Sanadkii 1953-dii waxaa Gumaysigii Talyaanigu u xushay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954-dii waxaa loo doortay guddoomiyihii xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956-dii. Bishii Maarso sanadkii 1958-dii waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina wuxuu hayay illaa 1dii bishii Luuliyo sanadkii 1960-kii.
Sanadkii 1956-dii, waxaa golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaa mar kale Talyaanigu gacan ku siiyey in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Beledweyne doorashooyinkii ka dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.
Sanadkii 1959-kii, doorashooyin guud oo dalka ka dhacayna waxaa loo doortay mar kale xubin, iyo in uu noqdo guddoomiyaha golaha sharcidejinta Koofurta ee dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa golihii sharcidejinta uu noqdo Constituent Assembly. Taasna waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luuliyo sanadkii 1960-kii.
Golihii baarlamaanka ee ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelato 1 Luulyo 1960-kii, uuna Gudoomiye ka ahaa Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay Midnimadda labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya, una doortay Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa loo doortey in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.
Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku hadli jirey afafka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967-dii waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii ka danbaybeeyay ee Cabdirashiid Cali Sharmaake. Aadan cade waa ninka kaliya ee soomaali iyo Afrikada madowba ugu horeeyay ee si sharaf ah xilka ku wareejiayay kuna mutaystay in aduunka laga xushmeeyo ilaa iyo maanta.
Ilaahay ha unaxariistee Aadan cabdulle Cusmaan wuxuu bishii Juun 8deedii sanadkii 2007-dii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho 11-kii bishii Juun isla sanadkaas.
Geeridiisa ka dibna waxaa looga magacdaray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho "Aden Abdulle International Airport".
Email: daauudgalaydh@gmail.com
Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh
Twitter: Daa'uud Galaydh
Aad iyo aad ayaad umahansantihiin sida fiican aad noogu soo gudbiseen waxii faaido ah
ReplyDeleteThanks thanks thanks
Thanks wllyal
ReplyDeleteMala hubaa
ReplyDelete