Maxaad ka taqaanaa Maamul Goboleedka kaliya ee Soomaaliya ah, kaas oo Sadex Madaxwayne yeeshay, hal goob iyo hal wakhtina si sax ah loogu doortay:
W/Q: Daa'uud Galaydh
Gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo la isku yidhaahdo SSC, kuwaas oo ay badankood dagaan hal beel, waxaa in badan isku haystay maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo mid walbaa dhinaciisa ka sheegto inay ka tirsanyihiin maamulkiisa.
Garaaddada, Cuqaasha, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta, Qurba joogta iyo Wax garadka beesha Dhulbahante ee daga gobolada SSC ayaa ku balamay gogol wayn oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolada SSC iyo beesha Dhulbahante oo dhex yaal u noqday labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland. Waxaana lagu balamay in maagaalada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool taariikhdu markay tahay 5/Jan/2012-ka la isugu yimaado dhamaan Garaaddada, Cuqaasha, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta iyo Wax garadka beesha Dhulbahante, si looga tashto, go'aanana laga soo saaro xaaladda gobolada SSC iyo dadka dagaba. Iyadoo shirkaas ama gogoshaas loogu magacdaray shirkii Khaatumo.
Waxaa la gaadhay 5/Jan/2012-ka oo ahayd wakhtigii la balamay. Magaalada Taleexna oo ahayd goobta lagu balamay ayaa noqotay meel aad u mashquul badan taas oo ay ku soo qul qulayeen Dadwayne aad u tiro badan oo isugu jira Garaado, Dhalinyaro, Qurba joog iyo Siyaasiyiinba, kuwaas oo doonayay in meel uun loo rido masiirka Dhulka iyo Dadka ku dhex lunsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Garaadada oo uu hogaaminayay Garaadka guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, Dhalinyaro, Qurba joog iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Raysal Wasaarihii horee dalka Prof. Cali Khakiif Galaydh ayaa isugu yimid Geedkii Bardaha ahaa ee lagu balansanaa.
Shirkii wu furmay, waxaana la isku afgartay in wajiyo farabadan uu lahaado, maalmo badana la isu yimaado si maalinba wax la isula gorfeeyo meelna la isla dhigo.
Markii Shan Cisho la is horfadhiyay oo waxbadana la isla gorfeeyay fikrado farabadana la aruuriyay, waxaa maalintii Shanaad ee shirka oo ku beegnayd 10/Jan/2012-kii la isku afgartay in maamul cusub oo ka madaxbanaan maamulada Puntland iyo Soomaaliland loo sameeyo dhulka SSC iyo dadkiisaba. Waxaana wakhti kale sii qaatay in la isku afgarto Habdhismeedka maamulka iyo magaca loo bixin doono, iyadoo la isku raacay in magaca Khaatumo loo bixiyo maamul goboleedka cusub.
Maalintii 14-aad ee shirka, oo ku beegnayd 19/Jan/2012-kii ayaana la isku raacay in maamulka loo sameeyo Sadex Madaxwayne, arintaas oo noqotay arinta layaabka leh dad badana is waydiiyeen sidee 3 Madaxwayne maamul curduna loogu doortay. Waxaana maalinkaas madaxwaynayaasha maamulkaa cusub loo doortay:
Ahmed Elmi Osman (Karaash)
Abdinuur Elmi Qaaji (Biindhe, Ilaahay ha unaxariistee)
Mohamed Yusuf Jama (Indhosheel).
Arinta kalee la yaabka lahayd ayaa iyana ahyd, in ay 18-bilood kaliya hayn doonaan Sadexdan Madaxwayne jagada madaxtinimada maamulka Khaatumo, iyadoo Madaxwayne walbaana leeyahay 6-bilood oo kaliya.
Sidaasna waxay Khaatumo ku noqotay, Maamulka kaliya ee Soomaaliya ah ama xitaa Caalamka ah ee Sadex Madaxwayne oo sax ah Hal Mar iyo Hal Goob lagu wada doorto.
Email: daauudgalaydh@gmail.com
Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh
Twitter: Daa'uud Galaydh
Gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo la isku yidhaahdo SSC, kuwaas oo ay badankood dagaan hal beel, waxaa in badan isku haystay maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo mid walbaa dhinaciisa ka sheegto inay ka tirsanyihiin maamulkiisa.
Garaaddada, Cuqaasha, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta, Qurba joogta iyo Wax garadka beesha Dhulbahante ee daga gobolada SSC ayaa ku balamay gogol wayn oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolada SSC iyo beesha Dhulbahante oo dhex yaal u noqday labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland. Waxaana lagu balamay in maagaalada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool taariikhdu markay tahay 5/Jan/2012-ka la isugu yimaado dhamaan Garaaddada, Cuqaasha, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta iyo Wax garadka beesha Dhulbahante, si looga tashto, go'aanana laga soo saaro xaaladda gobolada SSC iyo dadka dagaba. Iyadoo shirkaas ama gogoshaas loogu magacdaray shirkii Khaatumo.
Garaadada oo uu hogaaminayay Garaadka guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, Dhalinyaro, Qurba joog iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Raysal Wasaarihii horee dalka Prof. Cali Khakiif Galaydh ayaa isugu yimid Geedkii Bardaha ahaa ee lagu balansanaa.
Shirkii wu furmay, waxaana la isku afgartay in wajiyo farabadan uu lahaado, maalmo badana la isu yimaado si maalinba wax la isula gorfeeyo meelna la isla dhigo.
Markii Shan Cisho la is horfadhiyay oo waxbadana la isla gorfeeyay fikrado farabadana la aruuriyay, waxaa maalintii Shanaad ee shirka oo ku beegnayd 10/Jan/2012-kii la isku afgartay in maamul cusub oo ka madaxbanaan maamulada Puntland iyo Soomaaliland loo sameeyo dhulka SSC iyo dadkiisaba. Waxaana wakhti kale sii qaatay in la isku afgarto Habdhismeedka maamulka iyo magaca loo bixin doono, iyadoo la isku raacay in magaca Khaatumo loo bixiyo maamul goboleedka cusub.
Maalintii 14-aad ee shirka, oo ku beegnayd 19/Jan/2012-kii ayaana la isku raacay in maamulka loo sameeyo Sadex Madaxwayne, arintaas oo noqotay arinta layaabka leh dad badana is waydiiyeen sidee 3 Madaxwayne maamul curduna loogu doortay. Waxaana maalinkaas madaxwaynayaasha maamulkaa cusub loo doortay:
Ahmed Elmi Osman (Karaash)
Abdinuur Elmi Qaaji (Biindhe, Ilaahay ha unaxariistee)
Mohamed Yusuf Jama (Indhosheel).
Sidaasna waxay Khaatumo ku noqotay, Maamulka kaliya ee Soomaaliya ah ama xitaa Caalamka ah ee Sadex Madaxwayne oo sax ah Hal Mar iyo Hal Goob lagu wada doorto.
Email: daauudgalaydh@gmail.com
Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh
Twitter: Daa'uud Galaydh
Comments
Post a Comment