Maxaad kala socotaa Degmada kaliya ee Soomaaliya ah, taas oo Sadex maamul goboleed Hal Saac gudaheed ka wada Arimiyeen:
W/Q: Daa'uud Galaydh
Tukaraq waxay ka tirsantahay gobolka Sool ee magaalo madaxdiisu tahay Laas-caanood oo ay ka arimiso Soomaaliland tan iyo 2007-dii, markaas oo ay Dagaal kaga qabsatay, waa laascaanoode, maamulka Puntland. Tukaraq waxay 48-KM u jirtaa magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, Dhanka kale, waxay 84-KM u jirtaa magaalo madaxda gobolka Nugaal ahna caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.
Labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa ku muransan lahaanshaha Gobolka Sool, iyadoo Soomaaliland ay sheegato ilaa meel 3-KM ujirta caasimada Puntland ee Garoowe, ahna xuduudka labada gobol ee Sool iyo Nugaal, sidoo kalana ah xuduudkii gumaystayaashii koofur iyo waqooyi ee Ingriis iyo Talyaani. Halka Puntland ay sheegato in dadka daga gobolka Sool qabiil ahaan iyo deegaan ahaanba ka soo jeedaan maamulka Puntland. Tukaraqna waa deegaan muhiim u ah labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland. Marka laga yimaado muranka la haanshaha, waxaa jira Kastam ku yaala deegaanka Tukaraq, kaas oo cashuurta looga qaado baabuurta ukala gooshaya Waqooyiga iyo Bariga ama Puntland iyo Soomaaliland, waana meel ay ukala tartamaan labada maamul in mid walbaa uu ka arimiyo.
Waxaa isna meesha aan ka maqnayn maamulka Khaatumo oo ah maamul ay leeyihiin dadka daga Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kaas oo sheegta in dadka daga goboladaas ay leeyihiin maamulka Khaatumo. Balse maamulkaan lama mid aha maamulada kalee Puntland iyo Soomaaliland, dhanka dhaqaalaha, awooda iyo siyaasadaba, waa maamul aad uga hooseeya labada maamul ee kale, waana maamul aan dowladda dhexe ka haysan wax aqoosiya.
Hadaan usoo noqodo deegaanka Tukaraq, waa degmada kaliya ee Hal Saac gudaheed sadexda maamulba ka arimeeyn, maamuleen ama la wareegeen, iyadoo midba midka kale Dagaal ka qabsaday.
Bartamaha sanadkii 2015-ka ayay ahayd Maalin barqo ah markii ciidamada maamulka Khaatumo ay weerar ku qaadeen deegaanka Tukaraq oo ay gacanta ku hayeen maamulka Puntland, iyagoo la wareegay gacan ku haynta degmadaas. Balse waxaa isla daqiiqadiihiiba ka war helay ciidamo taabacsan soomaaliland oo ku sugnaa meel fadhiisin u ahayd oo aan saa uga fogayn Tukaraq oo kaga beegan dhanka Laascaanood, iyagoo loo sheegay in Khaatumo ay qabsatay degmada Tukaraq. Waxayna isla markiiba weerar ku qaadeen ciidamadii maamulka Khaatumo oo aan saldhigan, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaas.
Balse ciidamadii maamulka Puntland ee markii ugu horaysay laga qabsaday oo ku sugnaa meel aan saa uga fogayn deegaanka oo kaga beegan dhanka Garoowe, ayaa iyana ka war helay in maamulkii Khaatumo iyagiina lagala wareegay Tukaraq, ayna kala wareegeen ciidamada maamulka Soomaaliland. Waxayna dib usoo qaadeen Dagaal, dagaalkaas oo aan la mid noqon labadii dagaal ee hore ee daqiiqado ka hor ka dhacay goobta, isagoo ka khasaare iyo wakhti yaraa. Ciidamadii Soomaaliland ayaana dib uga soo baxay Tukaraq, waxaana gacan ku haynta deegaanku dib ugu soo laabatay maamulka Puntland oo markii ugu horaysay ay kala wareegeen maamulkii Khaatumo ee ay ciidamada Soomaaliland ka saareen.
Hal Saac gudaheedna, Tukaraq waxay ahayd Degmo daqiiqad daqiiqad u soo dhawaysa Calan iyo Maamul cusub.
Email: daauudgalaydh@gmail.com
Facebook: Galaydh Da'ud Galaydh
Twitter: Daa'uud Galaydh
Comments
Post a Comment