KAFTAN: SABABTA UU NINKU MARKA UU GABADH AMMAANAYO UGU TILMAAMO DAYAXA EE AANU QORRAX UGU SHEEGIN:
Nin ka mid ah dadka hadalka dhadhansada, ee u fiirsada dhinacyadiisa taban iyo togan, iyo weliba macnayaasha mararka qaarkood uu ereygu bixin karo iyada oo aan loola jeedin, ayaa mar la weydiiyey sababta uu ninku inta badan quruxda iyo ammaanta gabadha uu jecelyahay, uu ugu soo tusaale qaato dayaxa iyada oo aynu ognahay in qorraxdu ka ilays iyo qurux badan tahay? Ninkan oo sida muuqata aanu kaftan ka madhnayn ayaa isbarbar dhig ku samaynaya dayaxa iyo qorraxda balse dhanka taban ka eegaya sababta ay raggu dayaxa ku doorteen. Waxa aanu ku doodayaa in ragga xitaa haddii uu jacaylhayo haddana ay ku badan tahay munaafaqnimada dhinaca dumarka iyo in aanay si niyad ah u ammaanin, sababtaas awgeedna ay dayaxa ku doortaan, waxaanu isu barbar dhigay sidan: 1. DAYAXU WAA KHAAYIN IYO BEENAALE: Ilays aanu lahayn oo ka qorraxda ah ayaa uu soo qaataa, markaasuu sida muraayadda innagu soo celiyaa, isaga oo iska dhigaya in uu ilayskiisii yahay.. halka qorraxdu ay daacadnimada ka gaadhay inta ay...